top of page

Baaq loogu yeedhayo haweenka midabka leh ee ku nool Wales

​

Barnaamijkan Waxa fursad lacag lagu siinayo ka helaya 2 fannaaniin, 2 qoob-ka-ciyaar, 2 Durbaan tumayaal yo 2 Gabayaa ama midho curiyayaal

 

TÅ· Cerdd, Hayaat Women Trust iyo Shirkada Danceka Qaranka Wales iyo Suugaanta Wales waxay ku dhawaaqaysaa dariiqa horumarinta farshaxanka ee Somall Dance

​

​

Qoob-ka ciyaarka Somalidu wuxu ka mid yahay dhaqamada ugu qiimaha badan Wales. Waxaa laakiin ayaan daro ah inaanay helin wax maalgelin ah iyo dhiirigelin toona, sidaas oy tahay way dadaaleen dumarka ciyaarahan ciyaara oo taageero li’I ayay ciyaaraan. Mashruucan cusubi wuxu siin doonaa ka qayb qaatayaassha fursad, khidmad, taageero iyo isku xidh qaybaha guud taxane ah.

​

Tababarkanidhiidhka ah waxa hogaamin doona sideed fanaaniin ee ka qaybqaybgalayaasha ah afar fanaan oo waayo arag ah kuwaas oo horumarin doona xirfadooda:

​

  • Qoob ka Ciyaar – Muna Isman waa fanaanad hal abuur leh oo caan ku ah ciyaarta qoobka ciyaarka ee Somalida, Muna waa fanaanad ku faraxsan ciyaaraha, jecelna inay barato noocyada kala duwan ee Somalida, sidoo kalana fahansan macnaha dhaqanka ee ka dambeeya iyaga oo dhan, Waxay waqtigeeda u hurtaa in ay horumariso xirfadaheeda, iyada oo xiisaysa inay la wadaagto oy u sii gudbiso dadka kale.  

  • Heesaa – Ifraah Abdilahi waa halabuur Somali ah Wales degan, waxayna caan ku tahay guud ahaan ku takhasusay heesaha Buraanburka, Ifraah waa heesaa hal-abuur leh, ku fiican shaqadeeda, waana mid ka mid ah fanaaniinta hormuudka ka ah mashruuca.

  • Durbaanaysato – Faaduma Jama, asalkeeduna yahay Soomaali kuna nool Wales , waxa ay aad u xiiseysaa dheesha Soomaalida gaar ahaana in ay ku jarto durbaanka , Faaduma waxa ay hadda ku hawlan tahay sidii ay u horumarin lahayd xirfaddeeda durbaanka dhogorta leh  iyo Dafka kuwaas oo la socoda oo loo tumo ciyaaraha Soomaalida badankooda, oo uu ka mid yahay nooca Jaan Dheeraha.

  • Hal-abuur/Gabayaa – Umulkhayr Mohamed

 

Sideeda fanaan ee ka qaybgalaya waxa dooran doona guddi ka dib wacitaanka furan, mid walbana waxa uu heli doonaa 500 ka qaybqaadashadooda Aqoon-is-weydaarsiyo ayaa ka dhici doona Cardiff, laakiin codsiyada haweenka Wales ayaa soo dhaweeyay kharashkana waxaa lagu dabooli doonaa farshaxan kasta oo u baahan  Safarka Waddada ayaa soo gebagebayn doonta waxqabadka wadaagga ah ee shaqada ka qaybgalayaashu ay si wadajir ah u horumariyeen.

 

Dhammaan ka qaybgalayaashu waa inay xor u ahaadaan aqoon-is-weydaarsiyada soo socda ee Dance House, Wales Millennium Centre, Cardiff, iyo waxqabadka (Cardiff, toc):

​

aqoon-is-weydaarsi #1

1000-1700, Sabtida  14 Jannaayo

​

aqoon-is-weydaarsi #2

1000-1700, Sabti 25 Febraayo

​

aqoon-is-weydaarsi #3

1000-1700, Sabtida 4-ta Maarso

​

aqoon-is-weydaarsi #4

1000-1700, Axada 5ta Maarso

​

wadaagista shaqada (dhagaystayaal lagu casumaya)

galabnimo, Sabti  Galabtii , 11ka Maarso

​

Miyaad xiisaynaysaa , mise ma taqaan qof noqon kara ?

 

  • Waxaan ku qaban doonaa fadhiga qof-qofka ah ee Xarunta Bulshada Butetown Talaadada 22ka Noofambar @ 1700-1900 – halkaas oo aad ka soo gali karto wakhti kasta inta lagu jiro booska 2-saac si aad u ogaato wax badan, oo ay ku jiraan sida loo codsado .  Waxaan ka hadli doonaa fursadda , sida ka qaybqaadashadu u shaqeyn doonto , iyo sida loo sameeyo codsi Haddii aad rabto inaad horay u sii wado codsiga, waan sii socon karnaa oo aan kuugu soo qori karnaa halkaas ka dibna

 

  • Waxa kale oonu qaban doona barnaamij  Zoom ka laga sii daayo oo loogu talo galay tiro Dumar ah Khamiis 24 November 1700 ee aan awoodin inay Goobta Tababarka tagaan, si looga jawaabo wixii su’aalo ah isla markaana looga qabto wixii Codsi ah. Barnaamijka waa la duubaya si loogu gudbiyo inta aan joogin, Halkan iska diiwaan geli haddaad rabto sessionkaa. 

 

  • Waxa kale oo aanu kugula hadli karaa Taleefanka si toos ah ama Zoomka haddaad sidaa rabto. iimayl ahaan noogu soo sheeg si aynu u ballano.

 

Hadday kula tahay inaad diyaar u tahay inaad codsato barnaamijkan si kastaba ha ahaatee…
Soo geli halkan warbixinada soo socda Bartayada Internetka: 

  1. Noo sheeg Magacaaga, emailkaaga, Cinwaankaaga iyo Mobilekaaga.

  2. Noo sheeg waxaad xiisaynayso ee takhasuskaagu yahah: Heesaa , qoob ka ciyaar , abwaan / qoraa, durbaan garaace ?  U sheeg waxa aad jeceshahay in aad samayso farshaxan ahaan iyo waxa aad ku faani jirtay,  Maxaad jeclaan lahayd inaad gaarto? (Laakiin 200  kelmadood ha ku ekaado bahaan tahay caawimo abuurista xiriiriye.qoraalkaagu.)

  3. Maxaad rajaynaysaa in fursadan ay kuu tari karto?

  4. Tusaalooyinka shaqadaada: haddii aad hayso tusaalayaal ku saabsan dhaqankaaga faneed, fadlan ku lifaaq ilaa laba  Hees, gabay ama lifaaqyo ( tusaale gabay , isku xidhka maqalka ama muqaalka - noo, fadlan soo dir links halkii aad ka heli lahayd Yound ama faylalka muuqaalka.

 

Waanu soo dhawaynaynay Codsiyada Videoga ah iyagana noo ogolow  Codsiyada muqaalada, sidoo kale waa la soo dhaweynayaa duub muuqaalkaaga adoo ka jawaabaya su'aalaha 2 & 3 ee kor ku xusan, mudo ilaa 3 daqiiqo gudahood ah, markaa ku dheji linkiga muuqaalkaaga/fiidiyowgaaga, ku dar macluumaadka lagaa codsaday su'aasha 1 iyo 4 foomka,  soo dejinta haddii aad u baahan tahay caawimaad abuurista xiriiriyaha  Fiidiyowgaaga iimayl noogu soo dir, si aanu kaaga caawino.

 

Waqtiga Codsigu ku eg yahay iyo Habka la marayo

  • Waqtiga Codsigu dhacayo ee ugu damabaysa qabashadiisu waa: 1200ka Isniinta  Isniinta 12ka December.

  • Xubnaha afarta fanaan ee hormuudka ka ah iyo Deborah Keyser, Agaasimaha Ty Cerdd ayaa kulmi doona Arbacada 15ka Diseembar.

  • Waxaanu ku ogaysiin doonaa natiijada : Isniinta 19ka Diseemba

​

Gelid (Access)

Waxaan rabnaa inaan meesha ka saarno caqabadaha badan ee aan awoodno - haddii ay jiraan wax aad jeclaan lahayd inaad nagala hadasho,  fadlan la xidhiidh Deborah Keyser oo isku dayi doonta inay kaa caawiso sidii xal loogu heli lahaa codsigaaga.

Somali Dance logo strip revised.png
bottom of page